Carruurta aqoonta ah ee ciidanka booliska Soomaaliyeed oo loo dhisayo dugsi qur’aan casri ah
Sheeko:War

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhagax dhigay dhismaha dugsi Qur’aan oo si casriyeysan loogu dhisayo Caruurta agoonta ah ee ciidanka boliiska.
Dhagax dhigga gugsigan ka dib Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu kormeeray dib u habeyn lagu sameeyey gudaha Xarunta lagu Barbaariyo Caruurta Boliiska oo uu maamul cusub ugu magacaabay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqoonta iyo goobta wax lagu baro da’yartan soo koraysa.
Carruurta agoonta Booliiska waxaa dhalay saraakiil iyo askar naftooda ku waayay difaaca dalka iyo adeegga nabad-gelyo ay ciidankani dadweynaha u qabtaan, waxayna dowladda ka mudanyihiin daryeel iyo barbaarin wax ku ool ah.