Ciidanka xoogga oo sheegay inay hoggaamiyaal Alshabaab ku dileen howlgal ka dhacay deegaan degmada Xarardheere
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen xubno ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa deegaanka Dabagalo ee hoostagga magaalada Xarardheere ku diley 6 dagaalame oo ka tirsanaa kooxdaas, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadu.
Saraakiisha Howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay in xubnahan ay weerareeni ay ku sugnaayeen bar-control oo ay ku lahaayeen deegaanka Daba-galo ee gobalka mudug.
Sidoo kale xubnaha howlgalkan lagu dilay ayaa la sheegay inuu ku jiray madixii Sakawaadka kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Daba-galo iyo tuulooyinka ka ag dhow.
Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ka wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.