Guddoonka Baarlamaanka oo Shaaciyey qodobada xoogga lagu saari doono kalfadhiga maanta furmay

Maanta ayaa si rasmi ah loo furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo munaasabadda furitaanka ay ka qeybgaleen madax sare oo ka tirsan dowladda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhigan, ayaa caddeeyay in Baarlamaanka uu xoogga saari doono dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka. Wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la helo dastuur dhammeystiran oo dalka hagi kara, si loo xaqiijiyo hanaanka dowladnimada iyo sharciga.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si adag u sheegay in Baarlamaanka uu go’aansaday dhammeystirka Dastuurka, isla markaana aysan jirin wax dib u dhac ah oo la aqbali karo. “Baarlamaanka wuxuu dhameystirayaa Dastuurka, Qabyo kuma jiri karno,” ayuu yiri, isagoo xusay in muhiimadda koowaad ee kalfadhigan ay tahay in dalka uu yeesho Dastuur rasmi ah.
Arrimaha diiradda la saarayo
Kalfadhigan 6-aad ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka uu ka doodo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Dhammeystirka Dastuurka KMG ah
Dib-u-eegista shuruucda muhiimka ah ee dalka
Xoojinta nidaamka federaalka
Xasilloonida siyaasadda iyo amniga guud ee dalka