Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeymo lagu Bartilmaameedsaday Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad

Hawlgallo duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha kooxda Daacish ee Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war qoraal oo ay soo saartay Dowladda Soomaaliya.
Hawlgalladan duqeymaha ah oo ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa dhacay 21-kii, iyo 22-kii bishan Febraayo, waxaana lagu taageerayay hawlgalka Ciidanka Daraawiishta Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish sida lagu sheegay warka ay soo saartay DFS.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalladaas lagu diley saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.