U bood dhigaalka

Madaxweyne Faransiiska oo xagjiriin islaami ah ku eedeyay weerar ka dhacay dalkiisa

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa fal argagixiso oo Islaamiyiini ay ka dambeeyaan ku tilmaamay weerar toorey loo adeegsaday lagu qaaday askar boolis ah oo ku sugnaa magaalada Mulhouse ee bariga dalkaasi.


Weerarkan oo uu fuliyay nin tooreey ku hubaysanaa ayaa sababay dhimashada hal qof iyo tiro kale oo dhaawac ah, wuxuuna Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee La-dagaalanka Argagaxisadu sheegay in ay baarayaan kiiskan.

Falkan ayaa loo xiray nin 37 jir ah oo u dhashay dalka Aljeeriya, kaas oo hay’adaha nabad-gelyada iyo garsoorka Faransiisku ay sheegeen inay baarayaan.