Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdiga Saldanadda ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Teknolojiyadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga horumarrada ay gaartay Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka, kuwaas oo faa’iido u leh labada dhinac.




From the comments