Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Hirshabeelle

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay dagaalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka xoogga dalka iyo Alshabaab ku dhex maray deegaanno ka tirsan Hirshabelle.
War qoraal ah oo ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga dalka oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah, ayaa maanta si guul ah u soo afjaray weerarro xagjirnimo oo ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle”
Warka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu sheegay in dagaalladii maanta ka dhacay deegaanada Hirshabeelle lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab
Dagaallada ayaa ka dhacay deegaannada Cadow-Guray ee gobolka Hiiraan, iyo deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, waxaana ciidanka xoogga dalka iyo kuwo deegaanka oo war ka helay xogta weerar ay Alshabaab soo qaadeen u suurta-gashay inay hortagaan duullaankaas sida lagu sheegay bayaanka ay dowladdu soo saartay.