Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in 48 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeymo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
War qoraal ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu “Ilaa 48 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta laga fuliyay deegaannada kala ah; Daarul-Nimca iyo Al-Kowthar 00 kawada tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo deegaanka Beerayabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Howlgalka kowaad oo ka dhacay deegaanka Daarul-Nimca, isla markaana labo mar oo kala duwan la beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Khawaarijta ayaa lagu dilay ilaa 17 isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, waxaana sidoo kale la gubay gaadiid dagaal oo ay wateen.




From the comments