U bood dhigaalka

Faransiiska oo sheegay inuu adeegsan doono awooddiisa Nukliyeerka si uu u difaaco Yurub

Xilli Mareykanku uu dhowaan shaaciyay inuu dalka Jarmalka kala baxayo hubkiisa culus iyo ciidamada ka jooga, ayaa Faransiisku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay buuxinta kaalintaas ay bannaysay Washington.

Wargeyska Telegraph oo soo xiganaya mas’uul Faransiis ah ayaa sheegay in Paris ay diyaar u tahay adeegsiga awoodeeda Nukliyeerka si ay gacan uga geysato ilaalinta Yurub, waxuuna Faransiisku ku dhawaaqay inuu diyaarado sida hubka Nuclear-ka u dirayo Jarmalka, si taasi ay farriin ugu noqato Ruushka.

Arrinta ayaa ku soo beegmaya xilli Jarmalku uu walaac xooggan ka muujiyay tillaabada uu maamulka Trump dalkaas ugala baxaya hubkiisa culus iyo ciidamada ka jooga.