Saacado ka hor waxaa warbaahinta dunida si xoog leh u qabsatay tabinta kulan dhex maray Madaxweynaha Mareykanka Donald oo uu wehliyo ku xegeenkiisu, iyo Madaxweynaha dalka Ukraine Vladimir Zelensky, ayagoo is dhaafsaday erayo kulkulul.
Kulanka oo warbaahintu ay goobjoog ka ahayd ayaa isku badelay dood adag iyo muran aan waxba layskuma harin, ka dib markii laysku maan-dhaafay dagaalka sanadkii afaraad galay ee ka socda Ukraine, Trump iyo ku xigeenkiisa ayaana si anshaxa dublumaasiyadda ka baxsan u canaantay Zelensky.
Ka dib kulankaas oo caro iyo buuq ku soo dhammaday, masuuliyiin ka tirsan maamulka Trump oo uu ugu horreeyo xogyaha arrimaha dibedda Marco Rubio ayaa Madaxweynaha Ukraine ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo wixii ka dhacay aqalka cad oo ay eedooda asaga dusha ka saareen, balse Zelensky weli arrintaas wax cudur-daar ah kama bixin.




From the comments