U bood dhigaalka

Militariga Suudaan oo diley ku dhowaad 20 xubnood oo ka tirsan fallaagada RSF

militariga Suudaan ayaa sheegay inay dileen 17 xubnood oo ka tirsanaa fallaagada RSF ka dib weerarro is xig xigay oo ka dhacay magaalada Ceel fasher ee caasimadda gobolka Darfur.

Militariga Suudaan oo wada guluf xooggan oo ka dhan ah RSF ayaa dib u qabsaday magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Khartoum oo inteeda badan ay gacanta ku hayaan ciidanku.

Dagaalka Suudaan oo billowday sanadkii 2023 ka dib markii ay isku dhaceen militariga iyo xoogagga taageerada degdega ah ee RSF ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca in ka badan 10 milyan oo ruux.