Israa’iil ayaa wajahaysa dhaleecayn culus oo kaga timid bulshada caalamka, kaddib markii ay Axaddii joojisay dhammaan sahayda cuntada iyo daawada ee geleysay Marinka Gaza. Go’aankan ayaa sababay caro iyo walaac, iyadoo Israa’iil uga digtay dhibaatada ka dhalan karta haddii aan la kordhin muddada xabbad-joojinta.
Dalalka Masar iyo Qatar, oo kamid ah dhexdhexaadiyaasha wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay jebisay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, iyagoo ku tilmaamay in gaajada loo adeegsanayo sida hubka oo kale.
Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa go’aanka Israa’iil ku sifeeyay mid laga naxo, isagoo xusay in sharciga caalamiga ah si cad u qeexayo waajibka oggolaanshaha gargaarka bani’aadannimo.




From the comments