Madaxda dalalka Jaamacadda Carabta ayaa maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya xaaladda marinka Qasa, iyo sidii looga falcelin lahaa damaca Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in lagu barakiciyo dadka reer Falastiin.
Kulankan oo ka dhacaya magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa Madaxda ka qeyb-galaysa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo saacado ka hor gaaray dalkaas.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la filayaa inuu madaxda Carabta la wadaagi doono mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan qadiyadda falastiiniyiin iyo ka hortagga damaca Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu barakicinayo dadka ku nool marinka Qasa.




From the comments