Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shaacisay in xarigga internet-ka ee Fiber-ka badda hoosteeda mara, ee isku xira Pakistan, Bariga Afrika, iyo Yurub (PEACE Cable), uu ka go’ay Badda Cas.
Dhacdadan lama filaanka ah ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming).
Si looga falceliyo arrintan, shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ee dalka ayaa si degdeg ah ugu wareegay khadad kale oo kayd ah, taasoo suurtagal ka dhigtay in internet-ka dalka uu dib ugu soo noqdo sidii caadiga ahayd.




From the comments