U bood dhigaalka

Dagaal beeleed ka socda gobolka Sanaag

Sheeko:War

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu ka socdo deegaanka Dooxada Dureera, oo u dhaxaysa Damala-xagare iyo Dawaco.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo ismaandhaaf ka dhashay dhul daaqsimeedka Dureera, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka.

Dagaallada beelaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqday gobolka Sanaag. bishii Agoosto 2023, dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof ayaa ka dhacay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, bishii December 2023, dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dararweyne ayaa sababay dhimashada saddex qof.

Gobolka Sanaag ayaa ka mid ahaa meelaha degan ee Soomaaliya.