U bood dhigaalka

Duqeymo Imaaraadku ka fuliyay gobolka Bari oo waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah

Wararka ka imaanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in duqeymo diyaaradeed oo dowladda Imaaraadka Carabta ay fulisay waxyeello xooggani ka soo gaartay dad reer miyi ah oo aaggaas degganaa.

Inkastoo oo Puntland iyo Imaaraadka midkoodna uusan arrintan weli ka hadlin, khasaaraha ka dhashay weerarkan haddana warar laga helayo deegaanka ayaa sheegaya inay jirto waxyeello soo gaartay dad reer guuraa ah oo ka ag dhowaa goobta duqeynta laga fuliyay.

Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ayaa duqeymo ka wadda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, balse waxaa shaki xooggan laga muujinayaa in howlgallada diyaaradaha Imaaraadku aysan lahayn hagitaan sax ah oo halista ka fogaynaya dadka rayidka ah.