Madaxweynaha Hirshabeelle oo si adag u cambaareeyay qarixii kq dhacay Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay kooxda Alshabaab ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, asagoo Alle naxariis uga baryay dadkii ku geeriyooday.
“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay aanu u midowno dhammeystirka Alshabaab.”ayuu yir Madaxweynaha Hirshabeelle.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday huteel lagu magacaabo Qaahira, kaas oo dad badani ay ku dhinteen.