Madaxweyne Xasan oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Askar kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Kooxda Shabaab
Sheeko:Madaxweynaha 10-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab.
Madaxweynaha ayaa Allah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto Daryeelka Ciidanka kusoo dhaawacma dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxda AS ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood.