U bood dhigaalka

Dagaal ka socda degaano hoos yimaada degmada Cadale

Dagaal culus maanta ayaa ka dhacay deegaanka Labogaras ee hoostaga degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah, iyo kooxda Al-Shabaab.

Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab, iyaga oo ku guuleystay inay khasaare xooggan gaarsiiyaan kooxdaas.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, dagaalka ayaa sababay dhimashada tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, inkastoo aan tirada rasmiga ah la shaacin.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib u qabsadaan deegaanno ay horay u maamulayeen Al-Shabaab, iyaga oo sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxdaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ciidamadu ay dileen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxdaas.