Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in miisaaniyadda dalku ay labadii sanoo la soo dhaafay si weyn u korortay markii loo eego kuwii ka horreeyay oo aad uga hooseeyay.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo warbaahinta dowladda wareysi siiyay ayaa sheegay in miisaaniyadda dowladdu hadda ay marayso $1.3 bilyan, taas oo muujinaysa jiritaanka koror aad u xooggan.
Wasiirka ayaa sheegay in kororka miisaaniyadda ay sabab u tahay dakhliga gudaha oo batay iyo kabka dunida laga helo sare u kacay labadii sanoo ugu dambeysay.




From the comments