Muxuu yahay Sharciga wax ka bedelkiisa ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen ku ansixiyay wax ka bedelka Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa waxaa soo xaadiray 143 xildhibaan. Cod bixinta ayaa natiijadeedu noqotay in 141 xildhibaan ay ogolaadeen wax ka bedelka sharciga, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday.
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xildhibaanada faahfaahin ka siiyay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay qaranka, isagoo xusay in wax ka bedelka sharcigan uu xoojinayo hanaanka maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay sharcigan, iyagoo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta amniga dalka.
Ansixinta wax ka bedelkan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo awoodda dowladda ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo amniga Soomaaliya.