Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka Dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah.
Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo taliska ciidanka xoogga dalka adkeysiga dagaalka Shabaab xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad.
Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka dabar-goynta Shabaab.




From the comments