Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Axmed Fiqi, ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan oggolaan doonin qorshe kasta oo lagu keenayo dad aan Soomaali ahayn dhulka Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya diidday soo jeedin kasta oo lagu wiiqayo xaqa ay reer Falastiin u leeyihiin dhulkooda.
Hadalka Wasiirka wuxuu yimid xilli ay jireen warar sheegaya in la qorsheynayo in dad reer Qasa ah laga raro dhulkooda oo la keeno Soomaaliya.




From the comments