Goobjoog

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa habeenkii xalay ahaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo beegsaday xarumihii…

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa habeenkii xalay ahaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo beegsaday xarumihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka, halkaas oo ay ka wadeen falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka, halka goobihii gabaadka u ahaa kooxdaas la burburiyay.

Deegaankaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay weerarada ay kusoo qaadeysay kooxda Shabaab.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments