Duqayn cirka ah ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, oo ah mid ka mid ah fadhiisimaha ugu waaweyn ee Al-Shabaab.
Ilo kala duwan oo dowladda ah ayaa xaqiijiyay dhacdadan. Ilaa iyo hadda, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqayntan iyo bartilmaameedka la weeraray lama helin.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda Soomaaliya soo saarto warbixin rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.




From the comments