In ka badan 30 qof oo ku dhintay duqeymo ay Mareykanka iyo Ingiriis-ku ka fuliyeen dalka Yemen
Sheeko:Wararka Caalamka

Warbaahinta xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ayaa sheegtay in khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba lihi uu ka dhashay duqeymo ay Mareykanka iyo xulafadiisu ka fuliyeen dalkaasi Yemen.
Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay gaartay 31 qof, halka dhaawacyaduna ay 101 ruux marayaan, waxayna xuutiyiintu wacad ku mareen inay weerarkaas si adag uga aargoosan doonaan sida uga dhaqsaha badan.
Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiya xuutiyiinta Cabdimaalig Al-xuuti uu dhowaan sheegay in kooxdu ay dib u billaabayso weerarradii ka dhanka ahaa Israa’iil iyo maraakiibta xariirka la leh ee mareysa badda cas.