U bood dhigaalka

Kenya oo sirdoonka Soomaaliya ku eedeysay inay weerar ka geysteen dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidan ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ay weerar khasaare dhaliyay ka geysteen gudaha dalkeeda.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa la sheegay in weerarkaas lagu diley, sidoo kalena mid kale lagu dhaawacay, ayadoo labadoodaba laga qaatay hubkii iyo saanaddii ciidan ee ay wateen, sida ay sheegtay Kenya.

Falkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay soohdinta labada dal, gaar ahaan dhinaca Kenya ee xad-beenaadka Mandheera, waxaana masuuliyiinta Kenya laga soo xigtay in dhacdadani ay ahayd isku day afduub oo ay qorshaynayeen ciidanka NISA.