Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland Faysal Jifo ayaa sharci darro ku tilmaamay kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, asagoo sheegay in hannaanka lagu sameeyay uu Dastuurka dalka khilaafsanyahay.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in qofkii Puntland oo jooga oo kaarkaas qaataahi uu luminayo xuquuqda uu ku leeyahay maamulka Puntland, islamarkaana loo aqoonsan doono inuu dhiirigelinayo arrimo dalka lagu burburinayo.
“Waxaa jirta Fara-farayn dawladda Federaalku ay Gaalkacyo ka wado qofkii aada waxa uu lumiyay xaquuqaadkii asaasiga ahaa ee Puntland” ayuu guddoomiye Faysal.




From the comments