U bood dhigaalka

Waa kuma shanta wasiir ee buuxa ee maanta la magacaabay, maxaase laga ogyahay waaya-aragnimadooda, xilalkii ay hore u soo qabteen, iyo doorkooda cusub ee xukuumadda?

1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wuxuu hadda ahaa Xildhibaan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka intii u dhaxeysay 2016–2022. Mar kale ayaa dib loo doortay 2022-kii.

Mudane Jibriil wuxuu sidoo kale waqti ka mid ah macallin ka ahaa Jaamacadda Soomaaliya (University of Somalia), gaar ahaan kulliyadda Maamulka Ganacsiga, halkaas oo uu ka dhigayay maadooyin ay ka mid yihiin Maaliyadda Dadweynaha, Maareynta, Hoggaaminta iyo Maareynta Kheyraadka Aadanaha.

Dhanka waxbarashada, Mudane Jibriil wuxuu haystaa shahaadada Bachelor of Arts ee Maamulka Ganacsiga oo uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi, Kenya, iyo shahaado la xiriirta Xisaabaadka Maamulka (Managerial Accounting) oo uu ka bartay ACCA. Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa saddex luqadood: Soomaali, Ingiriis, iyo Carabi.

Ma jirto wax Khibrad Ciidan ah oo uu leeyahay.

2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Sidoo kale loo yaqaano Jaamac waxaa uu Golaha Wasiirada kusoo biiray 2020kii Markii la Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxaa uu noqday Wasiirka Caddaaladda ka dibna waxaa loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga oo uu haayay ilaa iyo Hadda.

Mudane Jaamac waxaa uu Sidoo kale soo noqday Taliye ku xigeenka NISA, Safiir ku xigeenka Turkiga iyo Sidoo kale Lataliyaha Sare Gudoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaankii 10 aad.

3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) Waxaa uu hadda ahaa Wasiirka gaadiidka iyo Dekedaha Soomaaliya. Sidoo kale Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeedda gobolka Sanaag.

Xilkaan hadda laga soo bedelay waxaa loo Magacaabay bishii October ee Sanadkii hore.

Ma jirto Xilal dowladeed oo uu horay usoo qabtay.

4. Md. Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Md. Maxamed Faarax Nuux waa Aqoonyahan si weyn looga yaqaano deegaanada Maamulka Puntland. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu soo galay sanadkii 2022kii. Waa markii ugu horreysay ee noqday Wasiir heer Federaal ah. wuxuu Bedelay Fardowsa Cigaal.

5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali uu ka mid ahaa Kooxdii ololaha Gudoomiye ku xigeenka koowaad Golaha Shacabka Sacdiyo.

Markii ugu horreysay ee lasoo dhisay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa uu noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta oo uu ahaa ilaa iyo hadda.