Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen golaha Wasiirrada Xukuumaddu ,uuna ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahay— laguna tayeynayo hey’adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara.
“Xukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha hey’ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahay”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.




From the comments