U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka booliska oo loo daabulayo furimaha hore ee dagaalka 

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Kooxdq Alshabaab

” Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad

Ciidamada Boliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba kula dagaalamaan Alshabaab.

Saacado ka hor ayaan sidaan oo kale cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta waxaa loo daadgureeyay furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe.