U bood dhigaalka

Xuutiyiinta oo jawaab adag ka bixiyay duqeymo dhimasho badan sababay oo Mareykanku u geystay

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay beegsadeen markab nooca diyaaradaha xambaara ah oo uu leeyahay Mareykanku, kaas oo tobanaan gantaal ay ku garaaceen, ayagoo ka jawaabaya duqeymo khasaare badan dhaliyay oo dhowaan Mareykanku ka fuliyay deegaanno ka tirsan dalkaasi Yemen.

Dhanka kale wakaaladda wararka AP oo xiganaysa sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijisay in Xuuthiyiintu ay 11 diyaaradood iyo gantaallo u adeegsadeen weerar ay qaadeen ka dib duqeymihii Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray in maraakiibta Ganacsiga iyo dagaalka Maraykankaba ay ka mamnuuci doonaan marista badda cas, islamarkaana si lamid ah Israa’iil ay u beegsan doonaan.