Xuutiyiinta Yemen oo Sheegtay inay La Wareegeen Markab Laga Leeyahay Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqday inay la wareegeen markab ay sheegeen ay leeyahay Israa’iil, xilli uu marayay Badda Cas.
Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Yaxye Saree, ayaa bayaan uu jeediyay ku sheegay in markabkaasi lagu qabtay howlgal ay ciidamadoodu ka fuliyeen Badda Cas, kaddibna loo leexiyay xeebaha Yemen.
Saree wuxuu intaa ku daray in markabkan uu yahay mid si toos ah ugu xiran Israa’iil.
Balse dowladda Israa’iil ayaa si adag u beenisay sheegashada Xuutiyiinta, iyagoo ku adkaystay in markabkaasi aanu laheyn wax xiriir ah oo ay la leeyihiin shirkado Israa’iili ah.
Dhammaadkii bishii Oktoobar, Xuutiyiintu waxay markii ugu horreysay ku dhawaaqeen inay weerarro ku qaadeen Israa’iil, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Kooxda Xuutiyiinta, oo xiriir la leh Iran, waxay sheegeen in weerarradoodu ay yihiin jawaab celin ka dhan ah duqeymaha Israa’iil ay ka waddo Qaza, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdaan tan iyo markii uu qarxay khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas 7-dii Oktoobar.
Howlgallada ay Xuutiyiintu ka wadaan Badda Cas ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo amniga marinnada biyaha caalamiga ah, iyadoo waddamo badan ay walaac ka muujiyeen khatarta sii kordheysa ee ka dhalan karta weerarrada kooxdan.
Dowlado dhowr ah, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa horey ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xuutiyiinta haddii ay sii wadaan weerarrada ay ku beegsanayaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa xiriirka la leh Israa’iil.