Goobjoog

Dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ay saaka ka fulisay Qasa oo 356 qof

Khasaaraha dhimashada duqeymaha Israa’iil ay xalay dib uga billowday marinka Qasa ayaa sii kordhaya, waxayna wararkii ugu dambeeyay xaqiijiyeen in geeridu ay hadda kor u dhaaftay 356 qof, halka dhaawacyaduna…

Dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ay saaka ka fulisay Qasa oo 356 qof
09 October 2023, Palestinian Territories, Khan Yunis: Palestinians inspect the rubble of a destroyed house, following an Israeli airstrike on Khan Yunis in the southern Gaza Strip. Israel pounded the Gaza Strip overnight as fighting with Islamist Hamas militants continues. Photo by: Yousef Mohammad/picture-alliance/dpa/AP Images

Khasaaraha dhimashada duqeymaha Israa’iil ay xalay dib uga billowday marinka Qasa ayaa sii kordhaya, waxayna wararkii ugu dambeeyay xaqiijiyeen in geeridu ay hadda kor u dhaaftay 356 qof, halka dhaawacyaduna ay intaas ka sii badanyihiin.

Dadkan intooda badan waxaa lagu diley waqooyiga marinka Qasa oo ah goobaha ugu badan ee duqeymaha lagu ekeeyay, waxaana hawada Qasa oo dhan dulmara diyaaradaha militariga Israa’iil oo duqeymo joogto ah wada.

Weerarradan cirka ah oo kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa taniyo sanadkii 2023 ayaa yimid saacado ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay inay dib u billaabeen duullaankii Qasa, ayagoo ku andacoonaya in Xamaas ay diiday sii ballaarinta heshiiska xabbad-joojinta ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments