Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay furimaha dagaalka
Sheeko:Madaxweynaha 10-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka Alshabaab, si uu garab-istaag ugu muujiyo mujaahidiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo halgameyaasha dadka deegaanka.
Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay dagaalladu ka socdeen.
Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.