Goobjoog

Wafdi Sare oo ka Socda Imaaraadka Carabta oo Muqdisho soo gaaray

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Shiikh Shakhbuud Bin Nahyan, ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya, isaga oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka kooban saraakiil iyo diblumaasiyiin. Booqashadan ayaa qeyb…

Wafdi Sare oo ka Socda Imaaraadka Carabta oo Muqdisho soo gaaray

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Shiikh Shakhbuud Bin Nahyan, ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya, isaga oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka kooban saraakiil iyo diblumaasiyiin.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo wafdiga uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

labada dhinac ayaa ka wadda hadlay fulinta ballanqaadyadii Imaaraadku sameeyay kaddib booqashadii uu madaxweynuhu ku tegay Abu Dhabi.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments