Madaxweyne Donald Trump, ayaa warqad uu u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, asagoo ka dalbaday wada xaajoodka heshiis cusub oo ku saabsan Nukliyeerka ah dalkaasi sameysanayo.
Trump waxa uu si cad u sheegay in Iran ay haysato laba bilood oo kama dambays ah oo ay ku gaari karto heshiis, sida uu ilo xog ogaal ahi ay u sheegeen warbaahinta gudaha Mareykanka.
Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe Steve Witkoff ayaa warqadda u gudbiyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohamed bin Zayed Al Nahyan, xilli uu ku sugnaa Abu Dhabi todobaadkii tagey, ayadoo Imaaraadkuna warqaddaas gaarsiiyay Wasaaradda arrimaha dibadda Iran.




From the comments