Ergeyga Joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Fei Cong, ayaa cambaareeyay weerarrada ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza, isagoo ku baaqay in la sii wado hirgelinta xabbad-joojintii u dhexaysay Israa’iiliyo Xamaas.
Hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil maalintii seddaxaad duqeymo xooggan ka waddo marinka Qasa, ka dib markii talaadadii ku dhawaaqday inay isaga baxday heshiiskii xabbad-joojinta, ayadoo ku eedaysay Xamaas inay diidday sii ballaarinta wajigii koobaad ee heshiiska.
Duqeymaha Israa’iil ayaa dhimashada in ka badan 500 boqol, ayadoo dhaawacyaduna ay intaas ka badanyihiin, sida laga soo xigtay Wasaaradda caafimaadka Qasa.




From the comments