Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad dagaalka Alshabaab ka hoggaaminaya degmada Cadale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa maalintii labaad ku sugan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka hagayo howlgallada dalka ka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Joogitaanka madaxweynaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo wajigii koobaad ee dagaalka iyo howlgallada haatan socda xudun u noqday ayaa isbedel weyn ku soo kordhisay dardargelinta dagaalka, ayadoo saacidihii la soo dhaafay duqeymo xooggani ay ka dheceen deegaanno ka duwan oo ka tirsan gobollada shabeellooyinka, Hiiraan, iyo Jubbooyinka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu bogaadiyay joogitaankiisa furimaha dagaalka, waxayna waxgaradka iyo aqoonyahannadu ku baaqayaan in dowladda lagu taageero dagaalka Alshabaab.