U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha Macawisleydu

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka hagayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.