Kacdoon ballaaran oo ka billowday gudaha Israa’iil

Bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka billowday magaalada Tel Aviv, waxaana laga digayaa in xaaladdu ay faraha ka baxdo oo dibadbaxyadu ay kacdoonno hubaysan isku badelaan.
Dibad-baxayaashu waxay sheegeen in Netanyahu uu meesha ka saaray heshiiskii Qasa, isla markaana uu burburiyay kooxihii wada xaajoodka waday, asagoo sidoo kale xilka ka qaaday madixii amniga guud ee Israa’iil.
Dibadbaxayaasha oo kumanaan kun gaaraya ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil ee magaalada Tel Aviv, ayagoo ka caraysan go’aankii xilka looga qaaday madaxa hay’adda Shin Bet, asagoo sidoo kale dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qasa iyo in la soo celiyo maxaabiista Israa’iil ee ku jirta gacanta Xamaas.
Maamulka Netanyahu ayaa wajahaya culaysyo badan oo gudaha ah, ayadoo ay muuqato in dadku aanay la dhacsanayn sida uu wax ku wado, dagaalka marinka Qasa wax natiijo ah aanu ka gaarin markii laga reebo Xasuuqa rayidka falastiiniyiinta.