Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.




From the comments