U bood dhigaalka

Faahfaahinno hor leh oo ka soo baxay weerar ay kooxda Al-Shabaab ka geysteen ismaamulka Gaarisa 

Sheeko:War

Weerar Axaddii ay kooxo hubeysan oo loo rumaysanyahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab ka geysteen ismaamulka Gaarisa ayaa sababay dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca 4 kale, Sida lagu sheegay war ka soo baxay Ciidanka Booliska Kenya.

dableyda weerarka geysatay ayaa bartilmaameedsatay Xerada Kaydka Ciidanka Booliska Qaranka dalkaas ee ku taal Xaafadda Xagardheer, waxayna adeegsanayeen hubka kala duwan si ay xerada u qalqal-geliyaan, sida laamaha ammaanku tilmaameen.

Booliska Kenya ayaa sheegay in laamaha ammaanka hay’adahooda kala duwan oo ay weheliyaan xafiisyada la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano ATPU ay billaabeen baadigoob lagu raadinayo kuwii falka geystay.