Guddoomiyaha Midowga Afrika danjire Maxamuud Cali Yuusuf oo safarkiisii ugu horreeyay taniyo markii la doortay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku jooga ayaa sheegay inuu si buuxda u garab taaganyahay dadaallada ay waddo dowladdu.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay arrimaha deyn cafinta, siyaasadda arrimaha dibadda oo ay ku jiraan ku biirista golaha ammaanka iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga Afrika, iyo la dagaallanka argagixisada.
” haddaan nahay Midowga Afrika waan idin garab joognaa, dadaalka waan sii wadaynaa, wax joogsanayana ma ahan intaan xilka hayo” ayuu yiri guddoomiyaha Maxamuud Cali Yuusuf.




From the comments