Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Siyaasadda Horumarineed ee Gaadiidka Afrika 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ka qeyb galay Shir Sanadeedka Guud ee Madasha Siyaasadda Horumarineed ee Gaadiidka Afrika 2025, kaas oo ka furmay magaalada Cotonou ee dalka Benin
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda wasaaradaha gaadiidka ee dalalka Afrika, khubarada ku takhasustay horumarinta gaadiidka, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah, ayaa diiradda lagu saaray sidii waddamada Afrika ay u heli lahaayeen nidaamyo gaadiid oo ammaan ah, casri ah, loogana faa’iidayn lahaa kobcinta dhaqaalaha iyo isku xirka ganacsiga qaaradda.
Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay horumarinta kaabayaasha gaadiidka, duulista rayidka, dhismaha garoomada diyaaradaha, isticmaalka iyo bedqabka wadooyinka, iyo siyaasadaha muhiimka ah ee sare u qaadaya dhaqaalaha iyo isu socodka ganacsiga ee gobolka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in ay ka qayb qaadato qorsheyaasha lagu horumarinayo kaabayaasha gaadiidka, korna loogu qaadayo badqabka iyo hufnaanta adeegyadiisa, si loo xoojiyo isku xirka dalalka gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.