Weerar Hoobiyayaal ah oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay tiro hoobiyayaal ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan saldhigga Ciidanka Milatariga ee halkaas ku yaalla.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo gudaha ah, hoobiyeyaasha qaar ayaa ku dhacay saldhigga ciidamada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn karin khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay maqleen jug culus iyo rasaas xigtay duqeynta.
Dhinaca kale, qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ku safrayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa sababay khasaare, inkastoo faahfaahin rasmi ah wali laga helin tirada waxyeellada soo gaartay ciidamada iyo shacabka ku sugnaa hareeraha wadada.
Xaaladda degmada Afgooye ayaa wali kacsan, iyada oo ciidamada dowladda ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo rogaal celis ah oo ka dhan ah dagaalyahannada weerarka fuliyay.
Wixii warar dheeraad ah ee kasoo kordha, waan idinla socodsiin doonnaa.