Goobjoog

Madaxweynaha Masar oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa maanta khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u hubsado xaaladdiisa caafimaad, kadib qarax dhawaan lagu beegsaday kolonyadiisa. Madaxweyne…

Madaxweynaha Masar oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa maanta khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u hubsado xaaladdiisa caafimaad, kadib qarax dhawaan lagu beegsaday kolonyadiisa.

Madaxweyne El-Sisi ayaa muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Masar, Danjire Maxamed El-Shenawy, ayaa sheegay in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments