U bood dhigaalka

Imisa weerar ay Xuutiyiintu u geysteen maraakiibta Mareykanka taniyo 2023 ?

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka ayaa weerareen maraakiibta dagaalka Mareykanka 174 jeer, ayagoo sidoo kale beegsaday maraakiibta xamuulka ah 145 jeer, sida lagu sheegay tira-koob ay soo bandhigtay shabakadda Aljazeera.

Kooxdan oo adeegsanaysa gantaallo casri ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo la sheegay in Iran lagu farsameeyay, qaarna ayaguba ay sameysteen ayaa sheegtay inay weerarradoodu jawaab u yihiin dhibaatada ay Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin ee Marinka Qasa.

Maamulka Trump ayaa haatan isku diyaarinaya inay kooxdan guluf militari oo xoog leh ku qaadaan, sida ku cad sir dhowaan dibedda uga baxday saraakiisha ammaanka Mareykanka, balse Ansaru-llaahi waxay wacad ku mareen inay jawaab kulul ka bixin doonaan duullaan kasta oo uga yimaada reer galbeedka iyo Israa’iil.