Sucuudiga oo si adag u cambaareeyay duqeymo ay Israa’iil ka fulisay Suuriya

Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegtay in Boqortooyada Sucuudigu ay si adag u cambaaraynayso, ugana xun tahay duqayn magaalada Koya ee dalka Suuriya ay ka geysteen ciidamada maamulka Israa’iil, waxayna hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay in dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanku ay gutaan kaalintooda arrintan ku aaddan.
Ciidanka Israa’iil ayaa duqeymo ka waday gudaha Suuriya, taniyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Bashar Al-assad, waxaana duqeymahaas qaarkood lagu bartilmaameedsaday goobo militari iyo xarumo maamul, halka qaar kalena lagu burburiyay qalab iyo kaabeyaal dhaqaale.
Dowladda cusub ee Suuriya ayaa xoogga saaraysa hagaajinta arrimaha gudaha dalkan mudda dheer dagaalka sokeeye ku jiray, sidoo kalena madhooyinkii keligii taliska aan weli ka bogsan, balse Israa’iil ayaa duullaan bareer ah ku haysa, waxayna Tel Aviv si cad u sheegtay inaysan oggolaan doonin in dalkaasi uu yeesho awood ciidan oo xoog leh.