Maxay ka dhigan tahay gogoshada Madaxweyne Xasan Sheekh u Fidinayo Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyaasha Bulshada?

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay gogol ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si looga arrinsado dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo dhismaha dawladnimo casri ah.
Tallaabadan ayaa la doonayaa in xal mideysan looga gaaro arrimaha amniga iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saari doono sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in muhiim ay tahay in la xoojiyo hannaanka dawlad-dhisidda, lana helo nidaam mideysan oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Fursadda Puntland iyo Jubbaland
Shirkan ayaa fursad weyn u ah maamulada Jubbaland iyo Puntland si ay u soo bandhigaan tabashadooda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.
Labadan maamul ayaa horey u muujiyay baahida loo qabo in la helo wadatashi qaran oo dhammaan dhinacyada ay ka qeyb qaataan, si xal waara loogu helo caqabadaha jira.
Puntland iyo Jubbaland ayaa fursad u heli doona in ay miiska wadahadalka keenaan aragtidooda iyo doorkooda ku aaddan dhismaha dowladnimada.
Saameynta Shirkan iyo Rajada Mustaqbalka
Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid fursad u ah xal u helidda caqabadaha waaweyn ee haysta Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha Shabaab iyo hanaanka doorashooyinka. Si loo xaqiijiyo midnimo qaran, waxaa muhiim ah in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay yeeshaan wadashaqeyn dhab ah, si loo helo isfaham buuxa oo lagu wada qanacsan yahay.
Iyadoo xaaladdu ay weli cakiran tahay, waxa la sugayaa tallaabada xigta ee Madaxweynaha iyo sida ay Puntland iyo Jubbaland uga faa’iideysan doonaan fursaddan si ay u muujiyaan baahidooda iyo aragtidooda. Waxaana laga dhursugayaa in wadahadalladu suurtagal noqon karaan, iyo in uu shirkan horseedi karo is-afgarad qaran.
sidoo kale Siyaasiyiinta diidan hanaanka doorashada qof iyo cod ayaa dhankooda loogu baaqay in ay ka qeyb galaan hanaanka wadatashiga ee Madaxweynaha si loogu heshiiyo hanaan lagu wada qanacsan yahay.
Muddo dheer ayay Mucaaradka ugu baaqaayeen Madaxweynaha in uu furo hanaanka wadatashiga balse waxaa caqabad noqon doonta haddii aan laga faa’iideysan.